Madaxtooyada Soomaaliya Oo Siciid Dani U Wakiilatay Arin Caqabad Ka Jirtay

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi DAni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad.

Kulanka oo ka dhacay Guriga Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.

Waxa warar hoose ay sheegayaan in Siciid Dani oo Bil gudaheed la kulmay Gudoonka Aqalka Sare Labo Jeer ay ka dhigan tahay in Aqalka Sare iyo Madaxtooyada Xafiiska Madaxweyne Farmaajo mad madowga jira laga heshiiyo.

Xubno ka ag dhawaa Shirkaasi waxay sheegeen in ergo ahaan Siciid Dani ugu tegay Cabdi Xaashi iyo Gudoonkiisa ayna doonayaan in Farmaajo la heshiisiiyo.