Madaxii Amniyaat-ka Al Shabaab Ee Muqdisho Oo Sabab Cajiib Ah Isku Casilay

0

Sida ay faafisey Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya Ee Nabad Sugida waxaa is casilay madaxii Amniyaat-ka Al Shabaab Muuse Mucaawiye.

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 39 Sano jir ayaa la sheegay inuu isku casilay kadib Khilaafka hogaanka Al Shabaab ka dhex jira.

Waxa uu qaabilsanaa Qeybta Dilalka qorsheysan Ee Xamar laga fuliyo,si gaar ah waxa uu uhoos tagayey Mahad Karataay Oo Dhawaan isaga laga saaray Hogaanka Shabaabka.

Dadka qaarkood ayaa Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya ku dhaleeceeyey inay arimahaan buun buunis u tahay Shabaab oo laga wanaagsanaa inaysan soo gudbin.

Dhawaan ayaa sidoo kale Naba sugida Qaranka waxay faafisey inay ka war heshay Khilaaf ka dhex jira Al Shabaab hogaankeeda,taas oo arimaha leynta Shacabka iyo Qaraxyada la isku qabtay.

Waxaana Axmed Diiriye Abu Cubeyda uu ka saaray Hoganka Ururka Bashiir Qoor gaab iyo Mahad Karataay,iyadoo Khilaafkaasi uu saameyn ku yeeshay Howshii Ururka Ee Socotay.

Hore waxaa iskaga tegay Fikirkii Al Shabaab Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur iyo Xasan Daahir Aweys oo labaduba Xabsi Guri ku ah Muqdisho Dawladana Soomaaliya U xiran.

Nin Ajnabi ah oo Zubeyr Al Muhaajir la yiraahdo ayaa dhawaan sheegay inuu Shabaab ka baxay kadib ku xad gudub dhinaca Diinta Islaamka oo si khaldan ay u isticmaalaan buu yiri.

Al Shabaab ayaa Hore udilay Ibrahim Afgaan iyo Macalin Burhaan oo ahaa Kaadiriintii Shabaab aas aasitaankeeda kaalin ku lahaa markii raggaasi la dilay ay ka hor yimaadeen Ficiladii uu awood sheegashada ah adeegsaday Abu Zubeyr oo markii dambe isna la dilay Bishii May 1-deedii 2014-kii.