Madaxdii Tegtay B/weyne Oo Galabta Deg deg Ugu soo laabtay Muqdisho

0

Waxaa Casir liiqii galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Wafdigii Sheekh Shariif hogaaminayey Ee maanta gaaray Magaalada B/weyne.

Waxay wajaheen Xaalad halis gelisey naftooda,waxayna dhowr mar hawada laga celiyey Diyaarada taas oo la sheegay in Amaro iska soo horjeeda la siiyey Duuliyada Diyaarada.

Wafdigaan ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaana la filayaa inay shir jaraa’id qabtaan saacadaha soo socda ayna ka warbixiyaan wixii dhacay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ku dhaleeceeyye Madaxdii maanta B/weyne gaaray inay khatar ubareereen sida uu warka u yiri lagana wanaagsanaa wixii ay sameeyeen.

Markii ay Xasan Sheekh,Sheekh Shariif iyo Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran gaareen B/weyne ayey soo kormeereen goobaha fatahaadu saameysay islamarkaana la kulmeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Duub dhaqanka ugu magaca weyn Gobolka Hiiraan Xilligaan.