Madaxda Jubbaland oo isku khilaafay Xukuumada Cusub Soomaaliya

0

Iyadoo saacado ka hor madaxweyne kuxigeenka 1aad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu shaaciyey inuusan ku qanacsaneyn qaabka Xukuumada cusub loo magacaabay ayaa hadana war kale uu kasoo baxay Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenada Galmudug iyo Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Cali Daahir Ciid ayaa waxay labaduba sheegeen inay ka tashanayaan sida laga yeelayo xukuumada xamse soo magacaabay oo ay ku sheegeen inay bahdil lagu sameeyey beesha Sade ay kasoo jeedaan.

Waxay iclaamiyeen Ciid iyo Maxamuud sayid shir aayaha beesha looga tashanayo oo dhawaan dhici doono ayna go’aano soo saari doonaan kadib shirkaasi.

Dhinaca kale warsaxaafadeed kasoo baxay madaxweyne kuxigeenka 2aad Ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamed Luga dheere ayaa dhankiisa soo bandhigay inay ka jubbaland ahaan taageersan yihiin Xukuumada Talaadadii isbuucaan Xamse Barre soo magacaabay.

Taasi ayaa muuqata in khilaafka Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan uu mar kale dibadda usoo baxay,maadaama Luga dheere uu amray inuu qoraalkaasi soo saaro Axmed Madoobe sida xogaha aan ku ogaanay taageeradana loogu muujinayo Xamse Cabdi Aar.