Madasha Xisbiyada Qaranka Oo War Culus soo saaray (Akhriso)

0

Madasha Xisbiyada Qaran oo soo saaray war saxaafadeed ku saabsan xaalada dalku marayo ayaa waxay dhaliil u soo jeediyeen Madaxweyne Farmaajo oo ay sheegeen inuu caadeystay ku tumushada Dastuurka KMG, isagoo curyaamiyey shaqooyinki Baarlamaanka, meeshana ka saaray Xukuumaddii shaqeyneysay.

Madashu ayaa sheegtay inay u aragto in Madaxweynuhu si sharci darro ah u magacaabay Kusime Ra’iisul Wasaare oo aan Dastuurka meelna kaga qorneyn, ayna tahay Mas’uuliyad darro iyo kali talisnimo in dalku Xukuumad la’aan ahaado muddo 53 Maalmood, dowladnimadiina Madaxweynaha ku soo aruuriyay gacantiisa, isagoo uga gol leh inuu ku gaaro dano shaqsiyadeed.