Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Cudurka Coronavirus & sida loo kala qaado (Akhriso)

0

Cudurka Corona waa hargabka oo kale, way kala duwan yihiin fayraska keeno, laakiin waxay ka siman yihiin astaamaha sida qandho, qufac, cuna-xanuun iyo madax xanuun, dadka qaar wuu ku xumaadaa oo wuxuu isku badalaa burkiito ama oofwareen, dadka qaarna way ka caafimaadaan sida hargabka kaleba looga caafimaado.

SIDEE LAGU KALA QAADAA..?

Waxaa cudurka Corona Virus-ka lagu kala qaadaa taabashada iyo neefsashada, haddii qof qaba kugu ag-qufaco ama kugu hindhiso weliba in 2 mitir ka yar kuu jirta waad neefsan kartaa jeermiska, sidoo kale meel fayrasku gaaray haddii aad taabatid kadibna adiga ayaa is qaadsiin kara haddii wajigaaga ama sankaaga ku taabatid gacantii jeermiska xambaarsanayd.

Sax ma ahan in fayraskaan uusan ku dhicin dadka qaar ama dadka aan muslinka ahayn ama uu ku dhaco kaliya dadka masaska ama fiidmeerta cuna, laakiin waxaa la aaminsan yahay inuu asal ahaan xayawaanadaasi ku dhici jiray, kadibne dadka u soo gudbay, sidaasina ku faafay.

Cudurka Corona Virus illaa iyo maanta looma hayo daawo iyo tallaal, laakiin ka hortag ayuu leeyahay, waxaana ka mid ah:

✔ In gacmaha si joogto ah la isaga dhaqo.
✔ In aan toos loo taaban qofka xanuunsan.
✔ In aan la cunin hilib aan la karkarin.
✔ Inaad xirato maaskaro (mask) haddii aad xanuunsan tahay .
✔ In nadaafadda guud ku dadaashid.
✔ Inaad ku qufacdid ama ku hindhistid warqadda safaleetiga ah “tissue” kadibne qashinka ku dartid.
✔ Inaad Alle ku xirnaatid oo argagaxa iska yaraysid.

Cudurka Corona ma yahay sida loo buunbuuninayo ama looga cabsanayo?

Jawaabtu waa: Maya, sabbabtuna waa arrimaha soo socda:

✪ 100-kii qof oo ku dhaco cudurkaan waxaa celcelis u dhintay ugu badnaan 3 qof inta hadda la xaqiijiyay, taasoo macnaheedu yahay in dhimashadiisu ay aad uga yar tahay markii loo fiiriyo xanuuno kale oo dunida soo maray sida hargabka doofaarka, hergabka shimbiraha, Ebola iyo kuwa kaloo badan sida HIV-ga, TB-da, Shuban biyoodka, Malariyada.

✪ Dad badan waxay aaminsan yihiin in xanuunkaan aan laga bogsan, waana fikrad qaldan oo kumanaan ayaa ka caafimaaday.

✪ Dadka badanaa cudurkaan u dhintay boqolkiiba 60% waa dad da’ ah ama xanuunsan ama difaacoodu yar yahay ama aan is la tacaalin.

✪ Waxaa jira dad tira badan oo waqti dambe la ogaaday inuu xanuunka horay u soo maray, sheegayne inaysanba dareemin wax aan hargab ahayn.

✪ Waxay cilmibaarayaashu aaminsan yihiin in xanuunkaan si baahan ugu faafay dunida, wadan walbane uu gaaray, laakiin ay dawladuhu qarinayaan iyagoo u yeelayo arrimo la xiriira dhaqaalaha iyo in argagax aan lagu abuurin bulshada.

✪ Maadaama akhbaarta badankeed ay dadka ka qaataan baraha bulshada, taasi waxay keentay in been laga faafiyay cudurkaan, dadkane ku abuurtay baqdin iyo cabsi.

SIDEE LOO BAARAA CUDURKA..?

Caabuqa corona oo uu keeno jeermiska COVID-19, waxaa laga baaraa dareeraha jirka sida: dhareerka, qoyaanka sanka, calyada, candhuufta iyo dhiigga.

Waxay dhibaato ka taagan tahay helitaanka baaritaankaan maadaama baahida loo qabo ay aad u badan tahay, soo-saaristiisa oo yar iyo baaritaanka oo qaali ah.

7 wadan kaliya ayaa sameeystay qalabyo lagu baaro cudurka corona, WHO waxay sheegtay in baaritaanada qaar aan la isku hallayn karin oo adigoo xanuunka qabo ay “negative” sheegi karaan, baaritaanka ugu macquulsanne illaa iyo hadda uu yahay baaritaanka ay samaysay xarunta CDC ee Maraykanka.

WAA MAXAY 14-LA MAALMOOD EE KARANTIILKA..?

Dad badan ayaa si qaldan u fahmay hadal haynta “14 maalmood” iyagoo aaminay in hadduu xanuunka Corona kugu dhaco inaad 14 maalmood kaliya noolaanaysid.

Taasi waa fikrad qaldan, sababtoo ah 14 maalmood ama 2 usbuuc waxaa loola jeedaa xilli-huuriska fayraska Corona “Incubation Period”, taasoo macnaheedu ah markuu jeermiska jirkaaga galo wuxuu u baahan yahay 1 maalin illaa 14 maalmood gudahood inta aadan dareemin astaamaha xanuunka sida qandho, qufac, cuna-xanuun iyo madax xanuun.

Xanuunka waad ka raysan kartaa, waxa uuna kuu soo mari karaa sida hargab oo kale adigoon ku baraarugin, marka welwelka iska yareey, wixii shakki kaa galane hubso.

W/Q: Dr. C/llaahi Mahdi
Somalidoc.com