Macalimuu: Roobow wuxuu dhaamaa laba shaarlayaasha

0

Mukhtaar Roobow wuxuu “kun jeer ka wanaagsan” qaar badan oo xubno kasoo noqdey xukuumaddo oo “laba shaarlayaal ahaa,” sidda uu sheegay mudane ka tirsan Golaha Shacabka.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, afhayeenka xukuumaddii hore ee Soomaaliya oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga, ayaa si buuxda u difaacay xulashadda Abuu Mansuur.

Roobow oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab wallow uu sheegay in uu ka tanaasulay fekerkaas ayaa loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Kulamada Gollaha Wasiirada caadiyan waxaa fura Ra’iisul Wasaaraha, hadii uu maqan yahay waxaa badalkiisa fura oo hogaanka qaata RW/Kuxigeenka. Marka kulanka si rasmi ah loo furo waxaa lagu bilaabaa wacdi kooban oo diini ah oo uu soo jeediyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,” ayuu Macalimuu yiri.

Wariyihii hore ee BBC-da ayaa raaciyey hadalkiisa: “Gollahan cusub waxaa ay nasiib u yeesheen Wasiir Mukhtaar Roobow Cali oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo hanuunin badan laga heli doono”.

“Shiikh Mukhtaar waxa uu kun jeer ka wanaagsan yahay kuwo badan oo xubno ka ahaa Xukuumado dalka soo maray oo labo shaarlayaal ah (Double Agent) balse Shiikh Mukhtaar Waa nin la ogyahay halka uu markaa joogo iyo mowqifka uu qabo,” ayuu xusay.

Macalimuu ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: “Waxa aan aaminsanahay inuu qeyb libaax leh ka qaadan doono la dagaalanka Shabaab oo uu xeeshooda iyo tabtooda yaqaan”.

Xulashadda Roobow ayaa, sida ay aaminsan yihiin khuburada, waxay salka ku haysaa qodobka saddexaad ee qorshaha dowladda cusub kula dagaalameyso maleyshiyada Al-Shabaab oo ah duulaanka dhanka fekerka ah.

Muqdisho-Somalia