“Maanta Waa Maalin Murugo u ah Taariikhda Dalkeena” Waxa yiri Mursharax Dr. Saciid Ciise

0

Maanta waa February 8deeda 2021 oo ah maalin la sugayey dhamaadka mudo xileedka Mudane Farmaajo iyo xil ku wareejinta madaxweyne cusub oo xilka kala wareega si nabada. Maanta waa maalin murugo u ah taariikhda dimoqaraadiyadnimada dowladnimada Soomaaliyeed. Waa maalin ayaandarran oo Soomaaliya dib ugu celisey hubsiino la’aantii dalka ka jirtey dhamaadkii burburkii dowladdii milateriga ahayd ee uu hogaaminayey kelitaliyihii Janaraal Maxamed Siyaad Bare(AUN). Waa maalin madow oo madaxweyneyaashiii hore ee dalka soo maray qaar ka mida ay u dabaaldegayaan muujinta murqahooda ay ku cadeynayaan cida mudan oo ay ka go’do awooda talada Muqdisho.

Waxaa xaqiiqa in Mudane Farmaajo uu maanta yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya kadib marka uu dhamaaday mudo xileedkiisi ahaa 4 sano, kuna guuldareystay qabashada doorasho heshiis lagu wada yahay, isagoo ka talo diidey saamileyda siyaasadda, iyo beesha caalamka oo dowladda Soomaaliyeed ay kula jirtey heshiis caalamiya oo dib loogu dhisayo dowladnimada Soomaaliyeed, Sidaas daradeed waxaa eeda qabsoomid la’aanta doorashada ugu baxaya mudane Farmaajo oo qabsoomid la’aanta doorashadaas aysan sabab u ahayn cilad ka timid dibudhac farsamo.

Maanta waxaa meesha ka baxay jiritaanka magaca muxaafadnimada iyo mucaaradnimada siyaasadeed, maxaa yeelay maanta dalka kama jiro madaxweyne xil rasmiya dalka u haya oo haysta awood dowladeed oo muxaafad loogu noqdo ama mucaarad loogu sii noqdo. Waxaan shaki lahayn tegida Mudane Farmaajo uu ku dabeyshaday iney astaan u tahay waxey madaxweyneyaashii hore oo mucaaradka ah ay ka dambeeyaanba iney tahay wakhti yar oo ka mid ah wakhtiga maanta la joogo.

Waxey maanta siyaasiyiinta mucaaradka ah ay u tahay maalin la sugayey in xaqdarada dhalanteedka ahayd oo ay ku midoobeen xaqiiqdeeda dhabta ah ay ku kala tagaan xaqa dhabta ah ee xalkeeda maanta lagu kala fikrad duwan yahay. Waxaan shaki lahayn in mowjado is khilaafsan ay ka dhex ka cayaan mucaaradka huwan dallad mugdi siyaasadeed weyn uu ku wareegsan yahay, kuwaas oo wejiyadooda rasmiga ah ay dibeda u soo ifbixi doonaan, haddii ay ahaan lahayeen koox diimeedyo, daneysteyaal hantileyaal ah, ama danaha shirkado, shaqsiyaad, iyo dowlado shisheeye.

Maanta xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa in Mudane Farmaajo iyo mudaneyaashii ahaa madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya inuusan xalka Soomaaliya ku jirin dib u soo doorashada mid ka mid ah, sidaas daradeed ummadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney wada tuuraan damciga madaxtinimo ee madaxweyneyaashaas hore iyagoo isku duuban. Maanta waxaa xal dalka u ah in si dhaqso leh saamileyda siyaasadeed oo dhan ay xilka sii haynta madaxweynenimo isugu raacaan shaqsi dhexdhexaada oo mudo saddex bilood gudaheeda ah ku qabta doorasho ogol lagu wada yahay, shaqsigaas oo ka imanaya gudoonka labada aqal midkood.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Saciidciise258@aol.com

AFEEF: Aragtida Qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Warqaad.com