Boqol Qof ayaa waxay ufariisteen Imtixaan ay ugalayaan Ka mid noqoshada Hay’adaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland kuwaas oo ay Codsiyo soo gudbiyeen.

Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dawlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxay ufariisteen Kala saarida Dadka Soo dirsaday Codsiga inay Shaqada Maamulka ka mid noqdaan.

Waxay Gudiga Imtixaanka Qaadaya sheegeen in laga doonayo boqolka qof keliya 33 Qof oo si toos ah Ushaqo geli doona.

Tirada loo baahan yahay Hadii ay Imtixaanka sidii la rabay uga soo baxaan ayaa loo qaadan doonaa Jagooyin banaanaaday,kuwaas oo laga dhigayo Agaasime Waaxeedyo,Madax qeybeed iyo Xubno Caadi ugu shaqeyn doona Hay’adaha Kala Duwan Ee Jubbaland.

Gudoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka Jubbaland Siyaad Cabdullaahi ayaa sheegay in guddigoogu il gaar ahaaneed ku eegayaan Imtixaanka iyo shakhsiga uqalma Shaqada uu soo codsaday inuu kasoo bixi karo.

15 Bisha Augusto Ee Sanadkaan oo Afar Bil ka harsan tahay waxaa Jubbaland Ka dhacaya Doorashada madaxtinimada,ka horna Baarlamaan Cusub ayaa lasoo dooran doonaa,midka Hadda Shaqeeyana waa la kala diri doonaa.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.