Maamulka gobolka Banaadir oo caawa xog ka bixiyey weerarkii maanta lagu soo qaaday

0

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Guure oo ay garab taagnaayeen Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Maamulada Degmooyinka oo shir jiraa’id ku qabtay Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar ayaa bogaadiyey sida Ciidamada Amniga ay usoo gabagabeeyeen weerarkii Khawaarijtu ay kusoo qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir

Guddoomiye Ciise Guure ayaa tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku guuleysteen soo afjarida 6 ka tirsan khawaarijta ee weerarka soo qaadday, kuwaasi oo mid ka mid ah ismiidaamiyay halka 5-ta kale iyagoo gaarin dhagartii ay la damacsanaayeen shaqaalaha iyo bulshada usoo adeeg doontay xarunta lasoo afjaray.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Guure ayaa tacsi u diray ehellada 5-ta muwaadin ee ku shahiiday weerarkan, isagoo caafimaad u rajeryey inta dhaawacantay.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.

-Dhammad-