Maamulka Axmed Madoobe Oo Ka Hor Yimid Habraacii Xukuumada

0

Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan Habraaca Doorashada Dawlad gobolleedyada ay Xalay Maqribkii soo bandhigtay Xukuumada Soomaaliya.

Jubbaland ayaa waxay ku biirtay Galmudug iyo HirShabelle oo sidaan oo kale kaga hor yimid Si cadna Ganafka ugu dhuftay inay Habraacaasi taageeraan Dawlada Dhexe Soo Bandhigtay.

Waxay Maamul Gobolleedka Jubbaland sheegeen inay Dawlada Dhexe Baal martay Shuruucda Dastuurka Dalka u yaallay,lana rabo inay fara gelin ku sameyso Doorashada Jubbaland.

Weli Ma jirto war kasoo baxay Puntland iyo Koonfur Galbeed oo looga hadlayo sida ay u arkaan iyaguna Doorashada Qaabka ay udhaceyso iyo Warka Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Xalay Soo Saartay.