Keli-talisnimo waa hanaan dawladeed oo ku suntan in hal hoggaamiye ama koox hoggaamiyayaal ah ay taladda iyo awoodda dawladeed maroorsadaan, iyagoo aan wax tixgelin ah siinayn afkaarta siyaasadeed, dhaqaale, bulsho ee ka duwan. Wax dulqaad ah uma laha siyaasadda furfuran, warbaahinta madaxa banaan iyo dadka wax naqdiya.
Waxaa jira astaamo iyo calaamado lagu garto nidaamka keligii-taliska, waxana aynu barbar dhigaynaa hab-dhaqanka maamulka Siciid Cabdullahi Deni ee ka arrimiya Puntland.
1. Xunkun hal xisbi ama koox ah; waa marka maamulka ay xoog gacantiisa ugu wada jirto nidaamka dawliga ah oo dhan.
2. Hoggaamiye awood leh; waa marka hal hoggaamiye uu iska dhigo shakhsiga dawladda, oo dadkana lagu dhiirrigeliyo inay daacad u noqdaan hoggaamiyahaasi, waxana laga dhigayaa astaan iyo kan wax difaacaya ama lagu badbaadi karo.
3. Waxaa la abuurayaa aydolojiyad qiil u samaynaysa in wax walba oo dawladdu samayso ay sax yihiin.
4. Dawladda oo gacanta ku qabata dhammaan dhinacyada ganacsiga, shaqaalaha, waxbarashada,qoyska, diinta iyo fanka.
5. Ku tiirsanaanta teknoolajiyadda iyo aaminsanaanta ciidanka; waxaa uu nidaamku si weyn ugu tiirsan yahay isticmaalka warbaahinta iyo faafinta barabagaanada been-abuurka ah, iyo weliba dhismaha ciidanka iyo hubka.
6. Adeegsiga ciidanka iyo abuuridda rabshado; tani waxay ku saabsan tahay in xoog loo adeegsado si loo gaaro ujeedooyin siyaasadeed, iyadoo la bartilmaameedsanayo dadka kaa soo horjeeda oo cadaw laga dhigayo.
Hagaag, haddaba markaan calaamadahan mid-mid u dul istaagno waxaan u barbar dhigaynaa calaamadaha uu leeyahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni:
Qodobka kowaad, Madaxweynaha Puntland waxa uu samaystay koox siyaasadeed oo isaga ku hareeraysan; waana kooxda iska leh go’aamada dawladda iyo jaan-goynta wax walba oo ku saabsan siyaasadda iyo maamulka. Inkastoo la sameeyey saddex urur siyaasadeed oo rimay-gacmeed ah, haddana madaxweynaha Puntland iyo kooxdiisa Aaran-jaan ee ku shirkoobay xukunka wax tixgelin ah uma hayaan dadka siyaasad ahaan uga soo horjeeda iyo bulshada reer Puntland qaybaheeda kala duwan. Nidaamkan axsaabta badan ee Siciid Deni waa mid dadka lagu indha-sarcaadinayo si dareenkooda looga weeciyo keligii-talisnimada, isla markaasna la isaga dhigo dimuquraaddi-doon.
Marka la eego qodobka labaad, Siciid Cabdullahi Deni waxaa laga dhigay wax ka weyn xilka loo doortay ee ah madaxweynaha Puntland, waxana aad loo buunbuuniyey meeqaamkiisa siyaasadeed, iyadoo laga dhigay badbaadiyaha Puntland, mideeyaha Puntland, ninka Puntland ka difaacaya cadawga dibadda iyo ninka lagu wada hiranayo ee wax walba isaga loo daba-fariisanayo. Sidoo kale, waxaa laga dhigay ninka salgooya siyaasadda dalka,gaar ahaan ninka ay mucaaradka Muqdisho ku daba faylaan ee keenay guulo siyaasadeed oo lagu xakameeyey saamaynta iyo awoodda dawladda federaalka. Markaa waxaas oo dhan la eego,Siciid Cabdullahi Deni waxaa laga dhigay astaanta Puntland oo asyan jirin qof la barbardhigo.
Qodobka saddexaad, intii uu xukunka yimi madaxweynaha Puntland waxaa la abuuray aydiyoolojiyad kacaan oo kale ah, waxana samaysmay dad si gooni ah u lahaaday Puntland oo qalad iyo sax ba si indho-la’aan ku taageeraya hoggaanka Siciid Cabdullahi Deni. Waxaa la abuuray dareen bulsho oo u dhow gooni-u-goosad, isla markaana lagu dhiirrigelinayo in dadku jeclaadaan Puntland iyo Siciid Cabdullahi Deni. Waxaa la qabtay shirar lagu marin habaabinayey fikirka bulshada, looguna gooddinayey dawladda Federaalka. Siciid Cabdullahi Deni iyo kooxda Aaran-jaan waxay nacayb ku ababinayaan dhalinyarada reer Puntland, waxana ay gelinayaan damac iyo hiyi qaranimo gaar ah. Aydaloojiyadaasi xun waxay ku salaysan tahay in la abuuro dareen iyo himilo-gooni-u-goosad, waxana inta badan dacaayaddan gacan ku leh Cabdi Faarax Juxa oo wada qorshe uu ku magcaabay (Nuclear option). Waa in dadka looga sheekeeyo taariikho hore iyo halgankii SSDF, iyadoo jabhaddaasi lagu xirayo dhismaha Puntland. Siciid Cabdullahi Deni iyo Aaran-jaan ayaa abuuraya aydalojiyad gaar ka dhigaysa Puntland ama ugu yaraan ku dhiirrigelinaysa waxa lagu sheegay confederal.
Qodobka afraad, marka la eego sida uu u shaqaynayo nidaamka Siciid Cabdulllahi Deni ee Puntland, waxaa kuu soo baxaya in Puntland ay ku socoto in dawladdu gacanta ku wada dhigto dhammaan arrimaha bulshada. Inkastoo Soomaaliya oo dhan ay tahay suuq xor ah oo aysan wax gacan ah aysan dawladdu ku lahayn arrimaha bulshada, haddana maamulka Siciid Cabdullahi Deni waxay doonayaan inay abuuraan kooxo dhaqaale, siyaasadeed iyo diimeed oo salgooya qaybaha nolosha. Marka la eego ganacsiga, waxay dhiirrigelinayaan in ganacsatada Aaaran-jaan la wada siiyo qanadaraasyada iyo fursadaha waaweyn ee baayac-mushtarka, dadka kalena ay noqdaan kuwa iyaga wax walba uga danbeeya. Sidoo kale, waxay xoojinayaan kooxd diimeedka islaax oo yeelanaysa awoodda ugu badan ee dhinaca diinta iyo fatwada.
Qodobka shanaad, Siciid Cabdullahi Deni waxa uu markii uu u tartamayey madaxtinimada Puntland urursaday dad la yaqaanay oo baraha bulshada wax ka caayi jiray, waxana uu u adeegsaday dacaayad siyaasadeed. Markii uu xukunka yimi, halkii ayey ka sii wadeen iyagoo abuuray kooxo faafiya warar beern-abuur ah oo mararka qaar lagu sumcad dilayo siyaasiyiinta, ganacsata, hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo dadka fikirka ahaan ka soo horjeeda maammulka Siciid Cabdullahi Deni iyo aaaran-jaan. Sidoo kale, Siciid Cabdulllahi Deni waxa uu samaystay ciidan gaar ah oo isaga daacad u ah, waxana uu soo iibsaday hub fara badan isagoo hubka kalena ka helay dawladda Imaaraadka Carabta. Ciidamada uu samaystay waxa uu ula baxay magacyo aan horay u jirin oo uga mid ahayn ciidamada Puntland, waxana ka mid ah ciidamada Beder iyo Uxud.
Qodobka ugu danbeeya, waxaa uu si fiican u caddaynayaa keligii-talisnimada Siciid Cabdullahi Deni, waxana uu ka hadlayaa adeegsiga ciidanka dawladda si loo gaaro ujeedooyin shakhsiyadeed. Tusaale ahaan, Siciid Cabdullahi Deni waa ninkii weerar hubaysan ku qaaday xaruntii baarlamanka ee isaga lagu doortay, waxana uu halkaasi ku laayey ciidan iyo dad rayid ah. Waxa uu si xoog ah oo sharci darro ah xukunka uga tuuray guddoomiyihii baarlamanka ee Puntland Dhoobo Daareed. Iyadoo dhiiggii uu daadiyay uu qoyan yahay, ayuu maalintii ku xigtay baarlamanka maqaar-saarka ah ee Puntland doortay guddoomiyaha cusub, taasina waxay aflagaaddo ku ahayd akhlaada iyo qiyamka insaaniga ah.
Waxaa intaa u dheer, jebinta dastuurka iyo shuruucda u taalla Puntland, iyo weliba adeegsiga lacagaha dawladda si loogu gaaro hadafyo siyaasadeed. Wuxuu malaayiin dollar ku bixiyey mooshinno, dagaal siyaasadeed, dagaalo hubaysan oo ka dhacay Xamar iyo maalgelinta kooxo ujeedooyin kala duwan leh. Sidoo kale, Siciid Cabdullahi Deni waxa uu xixiray saxafiyiin, siyaasiyiin,odayaal dhaqan iyo dhalinyaro. Lama tirin karo inta jeer ee uu dadka ugu hanjabay isticmaalka baraha bulshada haddii ay soo gudbiyaan dhaliilo isaga iyo xukuumaddiisa ka dhan ah.
Marka la eego oo la wada dul istaago astaamaha keligii-taliyaha, waxaa qof walba oo dhexdhexaad ah uu si cad u arki karaa in Siciid Cabdullahi Deni yahay keligii taliye, caraysan, ciilqaba hadana macangag ah oo khatar ku ah Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.