Laftagareen oo looga yeeray Addis Ababa

0

Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Jimcadii shalay wuxuu ka dagay magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

Laftagareen ayaa, wuxuu martiqaad rasmi ah ka helay madaxda sarre ee Itoobiya sida ay sheegeen xogo aan helnay Labada dhinac ayaa la filayaa in ay kawada hadlaan qodobo dhowr ah.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in madaxwayne Laftagareen uu iska diidey soojeedin uga timid Villa Soomaaliya oo ku aadanaa in uu ka baaqdo socdaalkan.

Safarka Laftagareen ee Addis Ababa ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore ay Al-Shabaab weeraro safballaaran ku ekeysay xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ayna u talaabtey Soomaali Galbeed.

Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtey dagaalka. Ismaamulka Soomaali State wuxuu tibaaxay in uu dilay in ka badan 100 dagaalame Al-Shabaab, halka xoogaga hubeysan tiro intaas lamid ah sheegteen.

Illo madax-banaan ayaase xaqiijinaya in labada daraf uu soo gaarey khasaaro. Hal illo wareed wuxuu tibaaxay in ciidamada Soomaali Galbeed ay gubeen afar gaari maleyshiyadda hubeysan wadatay.

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa illaa haatan warbixin kasoo saarey safarkan qarsoodiga ah. Isku-dayo xiriir oo warbaahinta la sameysay ma guuleysan.

Maalmo kahor socdaalkiisa Itoobiya, madaxwayne Laftagareen ayaa xafiiskiisa Baydhabo wuxuu kula kulmay saraakiil Itoobiyaan ah. Xogta waxay xuseysaa in qodobada ay ku jirtey booqashadiisa Addis Ababa.

Laftagareen ayaa kamid ah madaxda maamuladda ku dhowaa maamulkii Farmaajo. Madaxwayne Xasan Sheekh oo safarkiisii koowaad ee gudaha ku tagay Baydhabo wuxuu Laftagareen ugu yaboohay wadashaqeyn.

Mogadishu-Somalia