Lacagtii Laga Keenay Dalka UAE Oo Madaxweyne Siciid Dani Billaabay In…

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa waxa uu bilaabay inuu Lacagtii uu ka keenay Dalka isku taga Imaaraat-ka Carabta sidii Mashaariic hormarineed loogu fulin lahaa.

Siciid Dani waxa uu sheegay in Imaaraat-ka ay ku taageereen dhaqaale lagu hormarinayo Deegaanada iyo Dekadaha.

Degmada Garacad ayuu Siciid Dani sheegay markuu tegay inay dadka deegaanka faa’iideystaan Kheyraadka alle ku maneystay.

Lacag kudhaw 3 Milyan Dollarka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay in Imaaraat-ka ugu yabooheen Puntland taas oo abaal gud looga dhigay sida ay Puntland Dekada Boosaaso ugu gacan gelisey.

Dawlada Soomaaliya ayaa ku colaadeysa Maamul Gobolleedyada inaysan gelin Heshiisyada Caalamiga ah sida Hay’adaha iyo Dalalka lala gelayo.

Puntland ayaa la unkay 1998-kii waxaana ay ku sameysan tahay nidaamka Federaalka,21 Sano ay jirto waxaa la sheegaa inay hormar ballaaran ku tallaabsatay.