Waxay aheyd mid lawada sugayey shaqada Sheeko riyo aheyd oo 8 Sano soo jiitameysay,xalay ayaana Xaflad Tijaabo ah la sameeyey.

Diyaarada ugu weyn Dunida oo dhan ayaa waxa la sameeyey Xalay Sabtidiina waxay Tijaabo ugu duushay Gobolka California.

Waxa la sheegay in Diyaaradaan ay wax badan kaga duwan tahay Diyuuradaha Kale Ee Caalamka,Qaabka loo naqshadeeyey,Matoorada saaran,Gudaheeda iyo bilicda ka muuqata,iyo inay Labo Isku dhegan mataano oo kalena ah.

Mar keliya saacaduna aheyd 7:00 ayey Hawada gashay oo sacab loo tumay Diyaaradaas,waxay Saacadii jareysaa Xawaare dhan 304KM.

Agaasimaha Guud Ee Shirkada Stratolaunch ninka la yiraahdo Jean Floyd ayaa waxa uu sheegay ay ku faraxsan yihiin guusha la gaaray,una mahad celiyey cid kasta oo howshaas la garab qabatay.

Aas aasaha Shirkada Microsoft Paul Allen iyo Walaashiis Jody Allen ayaa ka dambeeyey iqtiraaca Diyaaradaas.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.