Laba su’aal oo dul taagan in Mukhtaar Rooboow laga dhigo wasiirka Diinta iyo Awqaafta

0

Laba cilad ayay leedahay in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur loo xusho kamid noqoshada Golaha Wasiirada Soomaaliya, sidda uu aaminsan yahay Faysal Rooble.

Falanqeeyaha ayaa carabka ku adkeeyay in ay tahay wax wanaagsan in mid kamid aas-aasayaashii Al-Shabaab loo adeegsado “burburinta” saaxiibadiisii hore.

Balse, Rooble ayaa duray in Roobow madax looga dhigo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya sababo ku aadan “in uu horey u suurad xumeeyay Diinteena macaan”.

“Ma xumo in Mukhtaar Roobow loo isticmaalo dagaalka Al-Shabaab laakiin in madax looga dhigo Diintii uu isaga xumeeyay wasaaraddii qaabilsaneyd anigu kuma taliyeen,” ayuu carabka ku adkeeyay.

Wuxuu raaciyey: “Haddii lagu tuhmayo in uu wax ka tarayo dagaalka waxaa ka habooneyd Wasaarada Dagaalka ama Wasaaradda Arrimaha Gudaha laakiin in uu caruurteena Diinta u dhigo anigu kuma taliyeen”.

Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in madaxda taladda haysa ay tixgelin doonan wax uu ku sheegay doodaha ka imaanaya dhinacyadda kala duwan kuna sixi doonan “qaladka” isku-shaandheynta.

“Dhinaca kale ee aniga aadka isoo jiidatay ee ku saabsan xulashadda ninkan [Mukhtaar Roobow] waa in ay ku timid go’aanka madaxda Soomaalida oo aysan soo jeedin shisheeye ama Xalane,” ayuu tibaaxay. “Ma hubo haddii Beesha Caalamka ay nagu maagi doonan”.

Abuu Mansuur ayaa saddexdii sano lasoo dhaafay xabsi guri ugu jiray maamulkii Farmaajo kaasoo Muqdisho kusoo dhaweeyay kahor inta aysan isku khilaafin u tartamida madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Muqdisho-Somalia