Laanta Dembi Baarista Soomaaliyeed CID-da Oo Albaabada Loo laabay & Sababta Keentay

0

Laanta Dembi Baarista Soomaaliyeed CID-da Ee Booliska soomaaliyeed ayaa la xiray Xaruntaasi muddo seddex maalmood ah.

Waxay Booliska sheegeen inay ugu wacan tahay hakintaan markii ay bateen Dacwadaha xaruntaan gaaray sidaa awgeedna la xalinayo kuwii hore u yaallay.

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliya General Zakiya Xuseen axmed ayaa sidaas sheegtay islamarkaana seddex cisho kadib la furi doono xaruntaan.

“Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen.

Xaruntaan ayaa ku taalla Agagaarka Lambar afar waxayna kasoo horjeedaa Hoteelka Saxafi Ee Magaalada Muqdisho,waa mid ka mid ah Hay’adaha Dawlada ee ugu shaqada Badan.