Kulankii dhexmaray Qoor qoor & Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran

0

Madaxwaynaha Dowlada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xassn Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Siyaasadeed, maareynta marxaladda kala guurka ee Dalka iyo dhaqan gelinta heshiiskii Dhuusamareeb.

Waa mid kale oo dhoolatus siyaasadeed uu soo bandhigayo Axmed Qoor qoor islamarkaana uu Mas’uuliyiin kala duwan uu kula shiray Muqdisho ujeedkiisa ugu weyna waa inuu Galmudugta uu hogaamiyo ka dhigo mid dhinac walbo taageero ka hesho.