Koox hubeysan oo Caawa Muqdisho ku toogtay nin Oday ahaa

0
304

Koox hubeysan ayaa caawa xaafad ka tirsan Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu Oday ahaa.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa toogtay ninkan Odayga ahaa oo si weyn looga garanayay Degmada Hawlwadaag.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta tagay markii ay baxsadeen raggii dilka geystay oo laba dhalinyaro ahaa.

Ciidamada Dowladda ayaa sameeyay baaritaano ku aadan sida uu falkan u dhacay, waxayna soo qabteen shaqsiyaad lagu tuhmaayo dilka Maxamed Gaab.

Dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan kordhay, bacdamaa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay si xiriir ah u dhacaan habeen walba dilalka.

Shabaab ayaa sheegay inay dardar gelinayaan dilalka ay la eeganayaan saraakiisha ciidanka dowladda iyo shaqaalaha rayidka dowladda.