Khudbadii uu jeediyey Farmaajo oo labo hadal uu yiri lagu maadsanayo & weerar uu ku qaaday….

0

Dhoolatus aan caadi aheyn ayuu sameeyey Farmaajo marka la eego hab jeedintii khudbadaha murashaxiinta ka horeysay oo hoolka afisiyooni cidlo ahaa balse daqiiqado ka hor khudbadiisa ay xildhibaano badan buuxsameyn.

Inay taageero uyihiin iyo inay khudbadiisa uyimaadeen inay la socdaan lama kala saari karo,waxaase hubaal ah in hoolka ay joogeen buqcada afisiyooni xildhibaano mucaaradka.

Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxuu noqday Musharaxa ugu daawashada badan khudbadiisa in Aduunka oo dhan sidan loogu wada daawanayey telefishinada.

Tan waxay muujineysaa in uu yahay Musharaxa ugu saameynta badan Musharaxiinta wuxuna jeediyay hadal micna badan sameenayay wax qabadna la socday,sida ay leeyihiin taageerayaashiisa doonaya in xukunka kusoo laabto.

Bilowga khudbadiisa ayuu Farmaajo ku sheegay inuu doonayo in loo hiiliyo isbadel doonka socda islamarkaana xildhibaanada ka codsanayo inay codka siiyaan.

Siyaasada hortaalla ayuu muhiimada siiyey wuxuuna Yiri “Somalia waqtigan aniga oo kaliya ayaaa gaarsin Karo qof & cod koox cusub Waxba maqaban karaan mana gaarsiin karaan doorasha qof & cod ah”.

Musharax Farmaajo oo khudbadiisa ay dadka aad udhowrayeen ayaa sheegay “Waxaan idin weydiisanayaan codkiina oo aad u hiillisaan isbaddaldoonka,Waddaniyadda iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa”

Markale ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo “Waxaan go’aansaday inaan ka kaleexdo isbadalka fadhiidka ah oo aan u dhaqaaqno isbadal-doonka socda,Waxaan diidnay faragalin shisheeye iyo waxay rabeen,dowladeydu waxay difaacday karaamada Baarlamaanka,Anagaa ugu dhaw doorasho qof iyo cod ah oo qof cusub hadduu yimaado ma gaari karo”

Waxa aad loo hadal hayaa erayo laga qabtay khudbadaasi Farmaajo jeediyey maanta oo in uu hafay loo fasiran karo aheydna in 65 kun arday inay si bilaash ah waxbarasho ku dhigtaan balse isaga uu yiri 65 Arday ayaan siinay waxbarasho Free ah,iyo inuu hafay 24 iskuul ay dawlada lasoo wareegtay uu ula jeeday tiro ka badan intaas.