Khayre oo wasiir ku sugan Dhuusamareeb ku amaray in uu Muqdisho Yimaado [Sababta]

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ku amray wasiirkiisa arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye, oo u sugan Dhuusamareeb in uu si degdeg ah ugu soo laabto Muqdisho, sidda ay wararku sheegayaan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii khilaaf uu ka dhashay qaabka loo maamulo doorashadda Galmudug iyo xubnaha kamid noqonaya Guddiga doorashadda oo Ahlu Sunna ay shuruudo ku xirtay in la magacaabo.

Warbixinadda ayaa daboolka ka qaadaya in guddiga Ahlu Sunna ay codsatay in xubnaha ugu badan laga siiyo guddiga iyo baarlamaanka. Tiradda waxaa lagu qeexay shan guddiga ah iyo 40 oo baarlamaanka ah.

Doorashadda Jubbaland ayaa muhiimad gaar ah waxay u leedahay olaha Villa Soomaaliya ee doorashadda dalka ee 2020-ka. Mucaaradka oo baahi weyn qaba dhankiisa wuxuu isha ku hayaa coddeynta xasaanada leh.

Sikastaba, wasiir Sabriye ayaa lagu wadaa in uu caasimadda dalka kasoo dago saacadaha soo aadan si uu Khayre iyo golaha wasiiradda uu warbixin uga siiyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo doorashada.