Khayre oo Beesha Caalamka waydiistay in ay ka taageeran arrin uu olale ku geli rabo

0

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Badhabo ee xarunta gobolka Baay kula kulmay wufuud ka kala socotay Qaramada Midoobay & Bangiga Aduunka,kuwaasi oo maanta gaaray magaaladaasi.

Intii kulanka uu socday ayaa Khayre iyo wafuudaasi waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladaha Bani’aadanimo ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa, dhismaha Nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo dalka.

Xubnaha saaxiibadda dibadda ayuu waydiistay in ay dowladiisa ku garab siiyaan qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya kaasi oo la tilmaamayo in ay qayb ka tahay arrimaha ay xukuuamdda olalaha doorashada 2020-ka ku galeyso.

Khayre ayaa mudooyinkii dambe safar ku maraya deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo tagay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda Koonfur Galbeed.