Khasaaro ka dhashay hoobiyeyaal ku dhacay Xaafadaha qaar Muqdisho

0

Wararkii ugu dambeeyey hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in khasaaro dhaawac ah uu ka dhashay.

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay Iskuul arday wax kubaranayeen oo ku yaalla agagaarka xarunta maamulka degmada xamar weyne.

Haweeneey cunto ku iibineysay gudaha iskuulka ayaa la sheegay in ay ku dhaawacantay,iyadoo iskuulka waxbarashadeedii ay istaagtay.

Ciidamada amniga ayaa waxay baaritaano ka wadaan goob loo maleeyey in al shabaab madaafiicda kasoo tuureen.