Kenya oo War Rasmi ah maanta ka soo saari doonaan Mowqifkooda Kiiska Badda ee ICJ

0

Maxkamadda Caddaallada Adduunka ee ICJ ee Xarunteeda dhexe ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Netherlands ayaa la filayaa inay gelinka dambe ee maanta ka bilaabanto Dhegeysiga Garnaqsiga Kiiska ku aadan Sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah Xuduud-baddeedka Somalia.

Dhegeysiga Kiiskaasi ayaa la soo gebagebeyn doonaa bishan March 24-da, sida ku cad Jadwalka Garnaqsiga ee ICJ.

Warbaahinta Kenya waxay shalay badankooda qoreen ama baahiyeen inay Dowladda Kenya isaga baxday Ka-qeybgalka Garnaqsiga Kiiskaasi, iyadoo ku andacootay inay Maxkamadda ICJ ku gacan-sayrtay dib-u-dhigista dhegeysiga Dacwadaasi.

Waxay kaloo Kenya marmarsiiyo ka dhigatay Xaalladda COVID 19 iyo inaysan Qareenadooda isugu imaan Karin hal Madal.

Wargeyska The Standard Media waxa uu saakayto (March 15) qoray inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya maanta soo saari doonto Hadal-qoraal oo ku aadan Mowqifka ay Dowladda Kenya ka taagan tahay Dacwadaasi.

Bayaanka Kenya ayaa la filayaa inuu soo baxo, ka hor intaysan Maxkamadda ICJ maanta ka bilaabanin Dhegeysiga Garnaqsiga Kiiskaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya la filayo inay si caro leh uga hadlaan qaabka ay Maxkamadda ICJ u maaraynayso Kiiskaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Go’aankii Kenya ee ay shalay ku sheegtay inaysan qeyb ka noqon doonin Dhegeysiga maanta ee Kiiska hor yaalla Maxkamadda ICJ ayaa soo baxay kadib, markii uu muddo Hal isbuuc ah kulan u dhexeeyey Hay’adaha Dowladda Kenya iyo Qareenadooda, kaasi oo ay ku lafa-gureen Walaaca ballaaran ee ay ka qabaan Go’aanka Maxkamadda ICJ ee dhegeysiga Kiiskaasi iyo waxyeelladda uu COVID 19 u geystay U-diyaargarowga Kiiskaasi.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo aan fasax u haysanin inuu Sxaafadda la hadlo ayaa u sheegay Wargeyska The Standard inay Kenya rumeysan tahay inay waajib tahay in Heshiisyadda loo fuliyaa si Niyad-wanaag ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalku waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan marnaba oggolaan doonin Go’aan kasta oo ay ICJ ka gaarto Kiiskaasi, isla markaana ay difaacan doonaan waxa uu ugu yeeray xaqooda xuduud-baddeedka ay sheeganayaan.

Maxkamadda ICJ ayaa la filayaa in maanta dib u bilowdo dhegeysiga Garnaqsiga ee Sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah Badda Somlia.

Dhegeysigaasi ayaa socon doona, iyadoo ay Dowladda Kenya qaadacday inay ka soo qeyb galaan Wareega cusub ee Dhegeysiga Kiiskaasi oo soo taxnaa tan iyo sanadkii 2014-kii.
Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana u gudbisay Maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah sheegashada iyo boobka Kenya ee qeybo ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia.

Kenya waxay 4 jeer ka codsadeen Maxkamadda ICJ in dib loogu dhigo Kiiskaasi, balse, waxay shalay sheegeen inay qaadaceen dhegeysiga cusub ee Dacwadda hortaalla Maxkamadda ICJ.

Marar hore ayey Dowladda Kenya sheegtay inay doonayaan in Kiiskaasi lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ, si ay labada Dowladood xaal-mastuur ugu dhameeyaan Khilaafkaasi, balse, DFS wey ku gacan-sayrtay in Kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda Caddaalada Calaamiga ee ICJ.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay ku andacoonaysa in wada-hadalka arrintaasi asaas looga dhigo waxa ay ugu yeertay Heshiiskii Is-fahamka (The Memorandum of Understanding (“MoU”) ee la gaaray bishii April 7-dii ee sanadkii 2009-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Calaamiga ee ICJ ayaa la filayaa inay Go’aan ka qaadato Xukumida Kiiskaasi, iyadoo la filayo in Somalia loo xukmin doonao Lahaanshaha xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.

Somalia ayaa aad ugu rajo weyn inay ku guuleystaan Kiiskaasi, maadaama xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso uu qeyb ka yahay sohdin-baddeedka rasmiga ee Somalia loo aqoonsan yahay.

Xuduud-baddeed ay Kenya sheeganayso waxa uu dhererkiisu dhan yahay 100,000 oo KM oo isku wareeg ah, oo la rumeysan yahay inay dhex ceegaagaan Shidaal iyo Kheyraad-baddeed kale.