Kenya oo damacsan in Kiiska Badda kala dhaxeysa Soomaaliya weji kale loo yeelo

0

Midowga Africa ayaa qoraal kasoo baxay waxay kaga hadleen Kiiska Badda ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay Ururka midowga Africa sheegeen inay aqbaleen codsiga Kenya ee ah in kiiskaasi dhex dhexaadiso labada dal.

Inkastoo weli Soomaaliya ka hadlin warka Midowga Africa hadana hore waxay Dawlada Soomaaliya usheegtay in qadiyada Kiiska badda ay ka sugeyso go’aan Maxkamada ICJ.

Maalmo ka hor khudbad uu ka jeediyey Uhuru kenyatta kenyta Boni ayuu sheegay inaysan aqbali doonin dhulkooda in dad kale qaataan.

Biya dhaca warkiisa ayaa aheyd in Soomaaliya ay rabto lamu in loo xukumo hadii Maxkamada ICJ ay go’aamiso kiiska Badda.