KASHIFAAD: Xaaska Madaxweyne Farmaajo Oo Olole Ka Bilowday Mareykanka

0

Sida ay Warqaad ku ogaatay Xog gaar ah Marwada Koobaad Ee Qaranka Seynab Maxamed Macalin ayaa hadda kusugan Dalka Mareykanka.

Socdaalkeeda Dalkaasi ayaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan Qorshaha ay damacsan tahay.

Warar ayaa sheegaya in Ololaha Doorashada 2021-ka Soomaaliya ka dhaceyso ay uwado qof aan aheyn Seygeeda Madaxweyne Farmaajo.

Is weydiinta ayaa ah Yey taageero u tahay Marwo Seynab hadii aysan Madaxwyenaha Doorashada soo socta la jirin,taas oo jawaabteeda ay adag tahay.

Balse warar hoose ayaa sheegaya in ay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre la rabto inuu guuleysto ayna isku heyb yihiin.

Gobolka Ohio ayey Hada kusugan Tahay Marwada 1aad Ee Soomaaliya Seynab Macalin,waxaana la kulmi doontaa Jaalliyada Soomaaliyeed.

Ma cada xog intaan ka badan oo laga bixiyey,iyadoo Arimo gaar ah sidoo kale ujoogta Dalkaasi iyo inay Macaariifteedii Qaar Asxaab ahaayeen ay is arkaan maadaama awal ay meeshaasi ka timid.