KASHIFAAD: Warbixintii Caawa Villa Soomaaliya Ee Kiiska Ikraan Maxaa ku qarsoon?

0

Siyaasiyiinta iyo dadka wax baara ayaa durba waxay fal celin ka sameeyeen sida loo maray guddiga la magacaabay iyadoo khilaafka madaxweynaha & R/wasaaraha laga baqdin qabo inuu sii weynaado.

Seddex Qodob oo ka hor imaanaya in Madaxweyne Farmaajo magacaabi karo guddigaan iyo xaalada dalka uu ku jiro ayaana lasoo bandhigay.

Waa mida koobaad 

Guddiga uu magacaabay waa xubno saaxiibo dhaw la ah Xafiiskiisa,si gaar ah taliyeyaasha ciidamada Booliska,Meliteriga iyo Nabad sugida uu dhawaan umagacowday Yaasiin fareey.

Waa mida Labaad

Waxa uu guddigaan yahay mid lagu daboolayo kiiska ikraan maadaama la sheegay in xubno ka ag dhawaa Rooble laga ilaaliyey taas oo shaki kale abuurtay.

Waa mida seddexaad 

Dhinacyada ku jira guddiga kasokoow waxaa jirta in Taliyeyaasha ay yihiin shakhsiyaad ku dhaw farmaajo uuna uxushay in kiiska ikraan meel gaba gabo ah la geeyo oo aan dib dambe loo arkin.

Waxaa tani ay sii cusleyn kartaa khilaafkii ka dhex jiray Madaxweyne Rarmaajo & R/wasaare Rooble maadaama guddigaan lasoo magacaabay caawa ee dhanka farmaajo ka yimid aan lagu qanci karin dhex dhexaadnimadooda.