KASHIFAAD: Ujeedka ciidamo dhar-cad ah oo ay Qadar u tababareyso Villa Soomaaliya

0

Madaxtooyadda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramayaa in ay bilowday qorashadda ciidamo dharcad ah, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in ay daba gaalaan xogaha mucaaradka.

Sidda ku xusan qoraal loosoo dusiyey wakaaladda wararka Warqaad, xoogaga qarsoon ayaa waxaa la qorsheeyay in tiradooda ay noqoto ku dhowaad kun, kuwaasi oo tababar loo furayo.

Dukmiintiyadda oo kuwa sir ah ayaa waxay kaloo muujinayaa in dalka lagu soo tababarayo uu noqon doono dalka Qadar, kaasi oo xiriir aad u wanaagsan la leh Villa Soomaaliya.

Cutubyaddan dhar-cadda ah ayaa ah kuwa si gaar ah ugu xirnaanaya Madaxtooyadda, waxaana howshooda ay si xoogan u shaqeyneysaa olalaha doorashadda 2020-ka.

Macluumaad hoose oo la helay ayaa sidoo kale waxay qeexayaan in ciidamadan sameyntooda ay noqoneyso markii ugu horeysay ay ka shaqeyn doonan basaasitaanka mucaaradka.

Sikastaba ha ahaatee, madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay aad uga shaqeynayaa sidii ay u daafacan lahaayeen kuraastooda, iyaga oo qaadaya talaabo kasta oo ay ku hirgelinayaan.