KASHIFAAD: Siriqda Cusub Ee Damu jadiid u dhigeen Dawlada Dhexe

0

Xisbiga Damu jadiid oo hadda la baxay UPD uuna hogaamiyo Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda cagta saaray wax kasta oo ku hor istaagi karo qorshaha Dawlada Dhexe.

Baratanka ugu adag ee hadda la gelayo ka hor doorashada Somaliya  dhaceysa 2021-ka waa in lasii helo saaxiibtinimo dhawna laga sameysto Maamul Gobolleedyada.

Wararka waxay sheegayaan in hardan culus hadda ka jiro Galmudug maadaama Nabad iyo Nolol ay dooneyso shakhsi ay wadato,halka Xisbiyada dalka ay iyaguna rabaan in taas wax ka duwan dhacaan.

Xubno uu hogaaminayey C/raxmaan Xuseen Odawaa ayaa waxay gaareen Dhuuso mareeb,kadib murashaxnimadiisii markii uu ku hungoobay farma soonkana looga booday.

Waxay Damu jadiid isku dayeysaa inay fur furto qorshe walbo oo Xukuumada Soomaaliya dooneyso,taas oo ka dhigan inay Shakhsi Dawladar saar u noqda Galmudug usoo saarato Doorashada ka dhaceysa.

Ma cada sida ay wax noqon doonaan,balse waxaa hubanti ah in loolanka jira uu yahay mid culus oo la doonayo in meelo dhowr ah laga eego.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) iyo Cabdi Dheere ayaa waxay yihiin labada shaqsi Ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kala wataan oo ay la rabaan Madaxweynaha Cusub Ee Galmudug.