KASHIFAAD: Maskaxdii Ka Dambeysay In La Rido Gudoomiye Dhoobo Daareed

0

Maanta Barqadii Abaare 10:00 Saacadu markay Aheyd ayaa codka kalsoonida lagala noqday Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo daareed.

Waxa Xildhibaano gaaray 53 Mudane ay 49 Ka mid ah sheegeen in ay Xilka qaadis ku sameeyeen Gudoomiye Dhoobo taas oo wejiyo kala duwan loo yeelay.

Warqaad ayaa ogaatay in Dhaqaale Badan lagu bixiyey in kursiga lala gediyo C/xakiin Maxamed Axmed oo dhowr mar fashilmay balse ugu dambeyn manta daadku qaaday.

Shakhsiga Farta lagu wada fiiqayo Ee Reer Ahaanta uGu hiiliyey kana dambeeyey Mooshinka ayaa waxa uu yahay C/raxmaan Faroole oo ka mid ah Senetorada Soomaaliya.

Faroole iyo Siciid Dani ayaa isku jufo ah,waxaana uu C/raxmaan Sheekh Maxamed Madaxweynihii Hore Ee Puntland uu la saftay Siciid C/llaahi Maxamed.

Waa Fariin kale oo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya ka ogaan karto isku xirnaanta Puntland Qawaamuurteeda iyo Dadka Ehelka Siyaasada ah.

Xitaa waxaa ilo wareed hoose sheegayaan in Dad aan is jecleyn Qadiyada Dagaalka Nabad iyo Nolol ay umideysay Difaacida Puntland iyo Danaheeda Deegaanka.

Inkastoo Beesha Dhoobo daareed ay ka xumaadeen wixii dhacay Maanta ee C/xakiin Xilka looga xayuubiyey Hadana dadka ayaa ka digaya Xasilooni daro amni iyo Mid siyaasadeed oo dhacda.