Wasaaradda Gashaandhiga DFS ayaa mushaarkii ciidan ka jartay Gudoomiyihii hore Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji “Macalimuu”, Guddoomiyihii Jubbaland ee degmada Burdhuubo Xasan Yare iyo ilaalada labada mas’uul.
Xog ay heshay Warqaad ayaa sheegeysa in tani salka ku heyso is jiid jiidka siyaasadeed ee ka jiray in muddo ah Gobolka Gedo oo Jubbaland iyo Dawladda Dhexe isku maan dhaafsanaayeen.
Ilo wareed kala duwan ayaa noo sheegay sababta looga jaray mushaarka ciidamada inuu yahay in dhowr maalin ka hor ay Garbahaareey ku dhex taageereen Maamulka Jubaland shirar jaraa’idna ay qabteen kuwaas lagu tageeray Jubaland.
Taliska Guutada 10aad ayaa gudbiyay liiska ciidamada mushaarka laga jaray isagoo ku eedeeyay inay magalaada ka wadaan falal Amni daro, Macalimuu iyo Xasan yare oo horey xilal DF Iyo Jubbaland kasoo qabtay ayaa mushaar ku qaata ka mid ahaanshiyaha ciidanka DFS.