KASHIFAAD: Guuleed oo ka tanaasulay murashaxnimadiisa taageerayna AAW

0

Kulamo gaar gaar ah oo muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa xalay ugu dambeyn miro dhal ama natiijo lagu farxay ay kasoo baxeen.

Murashaxiinta qaar ayaa bilaabay isbaheysiyo ay sameysanayaan si ay codadka iskugu shubaan xildhibaanada taageersana ay dhanka kale uwareejiyaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor qoor) ayaa ku guuleystay inuu heshiis siyaasadeed dhex dhigo C/kiriin Xuseen Guuleed iyo C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo labaduba Arbacadii jeediyey khudbadaha murashaxnimadooda madaxweyne hadii ay guuleystaan waxay dadka iyo dalka uqaban doonaan.

Cabdikiriin Guuleed ayaa xalay ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay murashaxnimadiisii islamarkaana loo xilsaaray inuu noqdo madaxa ololaha doorashada murashax madaxweyne Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame.

Guuleed oo lagu tilmaamo mid ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee jaan goynta dabeysha siyaasada dalkeena ayaa laga sugayaa inuu soo xareeyo codadka xildhibaano badan si uu kursiga ugu sareeya dalka ugu soo baxo Mr Shakuur.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku kalsooni qaba in Mr Guuleed uu yahay siyaasi kala shaqeyn kara guusha ay in muddo ah ku taamayeen ayna gacmaha isku qabsan doonaan arimo dhowr ah.

Warar la helay ayaa sheegaya in codka xildhibaanada galmudug qeybtood inkastoo Xasan Sheekh Maxamuud yihiin hadana inta kale lagu dedaali doono sidii meel aan cabdiraxmaan aheyn aysan geynin.

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas,Xildhibaan Qaali Cali Shire iyo xildhibaano kale oo kasoo jeeda Galmudug ayaa goob joog ka ahaa beyco siyaasadeedka Guuleed iyo Cabdiraxmaan C/shakuur wada galeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor ayaa qudhiisa markaan umuuqda mid ka digo rogtay siyaasadii dib udoorashada Farmaajo isagoo dhisaya C/raxmaan C/shakuur Warsame,iyadoo dhaqaalaha ololahaasi ay bixineyso Dawlada Qatar oo wakiil ka ah C/kiriin Guuleed.

Isweydiinta ayaa ah in Guuleed oo Xasan Sheekh Maxamuud ay isku digsi ahaayeen siyaasad ahaan hadana ay soo kala horjeedaan waxa ka imaan doona ololaha socda xilli xildhibaanada badankood lacago ay afka loo buuxiyo ku shaqeyn doonaan.

Xog ay heshay Warqaad ayaa ku warameysa in berri keliya ay ka dhiman tahay doorashada in la qabto iyadoo suuqa siyaasada ay lacagihii ugu badnaa soo galeen,kulamadu ay yihiin kuwo aan loo kala kicin oo salaada subax mararka qaar la isla gaarayey.

Qof ka mid ah u ololeeyayaasha mid ka mid ah murashaxiinta madaxweynaha raadinaya ayaa Warqaad la wadaagay inay ku mashquuleen xildhibaanada oo kala jiidasho lagu sameenayo ayna meeshii lagu soo sheego xildhibaan baa kusugan oo codkiisa inuu iibsado raba ay deg deg u aadaan oo wada xaajood saacado badan qaata sidaas la galaan.

Dhinaca kale khubarada amniga wax ka yaqaan waxay ka digeen in weeraro ay dhacaan maalinta doorashada iyadoo ay jiri karaan argagaxisadu inay maleegayaan wax kasta oo carqalad ku keeni kara doorashadaasi madaxweynaha soomaaliya ee 10aad lagu soo dhisayo.