KASHIFAAD: Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Magacaabis sameeyey

0

Sida aan ogaanay Golaha Wasiiradda Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay meel mariyeen magacaabida Ali Yaasiin Sheikh inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Ali Yaasiin oo ah dhaqaalayahan Ku taqasusay Cilmiga dhaqaalaha, ayaa horay u ahaa agaasimaha Qorsheynta Wasaaradda Haweenka Soomaaliya.

Mr Ali Yaasiin ayaa sidoo kale ayaa ahaa mid Ka mid ah barayaasha Jaamacadaha Soomaaliya ka dhiga Cilmiga dhaqaalaha iyo Research-ka ama Cilmi baarista, waxaana dad badan ay u arkaan in uu yahay qofkii ugu haboonaa booskaan.

Dadka yaqaana Ali waxay sheegeen in Aqoontiisa iyo kartidiisa shaqada awgeed,uu kasoo bixi karo howshaan loo xilsaaray waxaana laga filayaa in uu wax badan Ka badalo hanaanka dhaqaalaha ee Bankiga Dhexe ee dalka iyo kan Guud ee Qaranka.

Saacadaha soo socda ayaa laga yaabaa in lasoo geliyo faafinta rasmiga magacaabidaasi Ali Yaasiin iyadoo sidoo kale jiri doonaan isku shaandheyn Golaha Wasiirada & agaasimeyaal kale oo Villa Soomaaliya katirsan.