KASHIFAAD: Farmaajo iyo Kheyre oo xog xasaasi ah laga helay ka hor maalinta doorashada

0

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo mar kale doonaya xilka dalka ayaa hadana waxaa soo baxaya shakiga laga qabo inuu heysto shacbiyada codka xildhibaanada.

Dawlada Qatar ayaa la sheegay in ay ku qasabtay Farmaajo iyadoo si gaar ah 50 milyan dollar ku bixisey is sharaxidaasi kana madax banaan tahay cod iibsashada xildhibaanada.

Mudanayaasha laga soo doortay gobollada wuqooyi,kuwa beelaha banaadiriga,xubno kasoo baxay Galmudug & hirshabelle iyo badankood xildhibaanada laga soo doortay KGS ayuu Farmaajo kutashanayaa inay taageeraan maalinta doorashada.

Qatar oo dhaqaale ku bixineysa inay soo dhisto murashaxa ay wadato hadana waxaa jira in ay soo baxeyso warar sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu la beyco galay Xukuumada Doxa.

Isku mabda’ inay yihiin weli ayaa la rumeysan yahay Kheyre iyo Farmaajo oo codkooda iskugu shubi karaan maalinta doorashada si loo dhabar jebiyo murashaxiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin aragti fog leh kana mid yahay Madaxweynihii hore ee hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qaba fikrad ah in Kheyre iyo Farmaajo ay is wataan kana digay in labaduba midkood la doorto.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxaa ayaa dhankiisa ku biiriyey codkiisa inay xildhibaanada ku degmin Kheyre oo weli Farmaajo usacbinaya oo codkiisa siinaya hadii aan laga hortegin.

Murashaxiinta ku heybta ah Kheyre ayaa la ogaadya in lacagaha is diin waan gelinta ah isaga uu ka bixiyey si ay codadka ay helaan hal murashax la iskugu geeyo.

Inkastoo barnaamij siyaasadeedkiisii Kheyre uu xildhibaanada shalay ka hor jeediyey iyo munaasabadii uu qabsaday ka hor sheegay inuu dalka bad baadin doono hadii isaga madaxweynaha cusub loo doorto.

Kheyre ayaa weerar afka ah ku qaaday habeen hore farmaajo kuna sheegay in lacag 107 milyan dollar lagu leeyahay DFS markii uu xilka ka tegayeyna qasnada Dawlada ku jirtay wax ka badan boqol milyan hayeeshee warkiisa ee farmaajo ku durayey ayaa loo arkayey mid afka baarkiisa ah oo ay hoos kawada xiriiraan.

Shakiga ay qabaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee ah ee Farmaajo iyo Kheyre oo wada socda welina saaxiibo siyaasadeed ah ayaa la kala ogaan doonaa madasha doorashada iyo maalinta Axada oo labo cisho kadib ah.