Jubbaland oo ka hor timid shirka uu iclaamiyay Ra’isul Wasaare Rooble kana hadashay sababta

0

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay Raysal wasaaraha Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Rooble, kaas oo uu 20-ka bisha isugu yeedhay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo islamarkana danta shacabka Soomaaliyeed la eego isla markaana raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

Puntland weli kama hadlin gogosha Rooble dhigey, waxayse mar sii horrayaay sheegtey in aysan Xamar tegeyn ilaa Beesha Caalamka casunto.

Waxaa muuqata iney jiraan shuruudo cusub oo ay wataan mucaaradka iyo maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland taa oo ah in Farmaajo iscasilo ama uu saxiixo warqadda uu ku dhimayo awoodahiisa islamarkana uu xilka ka qaado taliyeyasha ciidamada ku lugta lahaa weeraradii lagu qaaday mucaaradka.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay tanaasulka Farmajo iyo in golaha shacabka ay ka laabteen muddo kordhintii Labada sano balse waxaa muuqata in faanoole uusan faro ka qodneyn maadama wali ciidamadii Mucaaradka iyo kuwa DF Soomaaliya ay ishor fadhiyaan.

Muqdisho-Somalia