Jubbaland Oo Darbigii Kenya Dhiseysay Go’aan Lama Filaan Ah Ka Qaadatay

0

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo howlo shaqana halkaas maal mahan u joogay ayaa ka hadlay arrimo la xiriira derbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso soonaha magaalada Baledxaawo.

Madaxweyne ku-xigeenka oo warbaahinta Qaar Jubbaland la hadlay ayaa shacabka gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Baledxaawo ugu baaqay in ay is-dejiyaan, wuxuuna sheegay in xal ka gaarista arrinta xadka ay ku jiraan Dowlad-goboleedka Jubbaland, Dowladda Federaalka Sooomaaliya iyo Dowladda Kenya.

Jubbaland waxay ka hadashay Rabshadihii dhacay dhawaan Ee dhinaca Xaduuda Gobolka Gedo Ee Dalka Kenya,islamarkaana Shacabka ay sameeyeen Ka hor tegida Darbiga la dhisayo.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxa uu hoosta ka xariiqay in Waddo Sharci ah ay muhiim tahay inay umaraan rabitaanka Shacabka Soomaaliyeedna ay ka tarjumayaan.