Joe Biden oo soo saaray amar culus oo ka dhan ah Al shabaab iyo Daacish+amar uu siiyay ciidankiisa

0

Madaxweynaha  Mareykanka Joe Biden ayaa u diray Congresska  fariin uu u soo bandhigay Ciidankooda ka jooga Bariga Afrika, iyadoo inta badan Ciiddankii Maraykanka ka joogay Somalia dib loo daad-gureeyey ama dib loogu meeleeyey dalalka deriska.

Joe Biden ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciiddanka Maraykanka ee saldhiga ku leh meel ka baxsan Somalia waxay sii wadi doonaan La-dagaalanka Daacish iyo Al-shabaab oo ah Ciidan isbahaysi la leh Ururka Al-Qaacidada ee Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warbixinta uu u gudbiyey Kongareeska Maraykanka waxa uu ku muuiyey inay Ciiddanka Maraykanka qaadeen tiro yar oo Duqeymo dhanka Cirka oo ka dhan ah Alshabaab, isla markaana weli la diyaariyey Duqymo dhanka Cirka oo ka dhan Al-shabaab iyo Daacish-ta Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Warbixintiisa waxa uu ku xusay inay Ciiddanka Maraykaka ee ku sugan Somalia ay Tababar, La-talin, Taageerida Ciiddan Gobaleedka oo ay ku jiraan Ciiddanka Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM, xilliyada ay ku jiraan Hawlgallada.

Warbixinta uu Madaxweyne Joe Biden u gudbiyey Afhayeenadda Aqalka Senedka Maraykanka  waxa kale oo uu ku faahfaahiyey sababaha Milliteriga Maraykanka ay Saldhig ugu yeesheen gudaha dalka Kenya, wuxuuna bidhaamiyey in Ciiddankaasi taageeri doonaan waxa uu ugu yeeray Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda ka socda Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u yiri.

Warbixintiisa waxa kale oo uu ku xusay inay Milliteriga Maraykanka sii wadi doonaan inay wada-shaqeyn la yeeshjaan Dowladda Jabuuti oo uu xusay inay u fasaxeen Xuduudaheeda inay Saldhig ku yeeshaanj Ciiddanka Maraykanka.

“Ciiddanka Maraykanka waxay weli sii joogi doonaan Jabuuti, si ay u fuliyaan ujeedooyin ay ku jiraa Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda iyo Burcad-baddeeda ee Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed” ayuu yiri Joe Biden.

Waxa uu sii raaciyey inay Ciiddankaasi taageero siin doonaan Ammaanka Safaaradaha Maraykanka ee Mandiqada, haddii ay lama huraan noqoto.

Muqdisho-Somalia