Jawaabta sheekh shaakir uu siiyey Taliye Odawaa & Xaalka oo sii cakirmay

0

Waxaa bur buray qorshe wada hadal ah oo udhaxeeyey Hogaanka Ahlusuna iyo Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage.

Sida hore uga akhrisateen warbaahinta warqaad waxaa daabacnay warbixin aan uga hadalnay codsiga taliyaha udiray Sheekh Shaakir.

Wararkii ugu dambeeyey aan ogaanay waxay sheegayaan in uu fashilmay wada hadalkii dhex maray sheekh shaakir iyo General Odawaa yuusuf raage.

Sheekh shaakir oo aqbalay codsigii taliyaha xooga ee ahaa in lasoo celiyo baaburka beebaha ee dawlada turkiga ku saaciday ciidanka Soomaaliya ee lagu qabsaday Bohol ayaa hadana shuruud ay daba dhigeen.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in taas badelkeeda ay taliye odawaa ka doonayaa 10 gaari oo ay Ahlusuna leedahay oo hore ay ugu wareejiyeen general mascuud maadaama ay sargaalkaasi aqoon & ehelnimo hantidooda ugu dhiibteen.

Ugu danbeyn waxaa ku adkaatay taliye odawaa yusuf raage in uu wareejiyo baaburtaas maadama ay gacanta ku hayaan saraakiil katirsan qeybta 15aad ee xoogga ayna qoor qoor toos uhoostagaaan.

Hadda waxaa la diyaarinayaa sidii awood loogu isticmaali lahaa Ahlusunada kusugan labada isbuuc kudhawaadka Guriceel iyagoo dhaq dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeedo la dareemayo.

Taliye Odawaa ayaa galabta tegay deegaanka ceel dheere oo habeen hore saqdii dhexe ciidanka meliteriga iyo kuwa daraawiishta Galmudug wadajir uqabsadeen.