James Swan Oo Hal Arin Ka Codsaday Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Inuu Ogolaado

0

Kulan Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay iskugu yimaadeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka gaarka ah Ee Xoghayaha guud Ee Qaramada Midoobeey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ayaa looga hadlay Arimo dhowr ah.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu falan qeeyey Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka,Doorashooyinka iyo Amniga sida looga shaqeyn karo.

Xildhibaan Sharafeedka Golaha Shacabka Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay Baaqyo ka yimid dhinaca James Swan oo ah in Ex Madaxweyne xasan iyo saamileyda siyaasadeed ay ogolaadaan Doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka la galo.

Waxa kale uu James Swan codsaday in laga shaqeeyo hanaan Siyaasadeed oo Xasilin kara Dalka oo dhan la iskana tuuro wax walbo oo khilaaf abuuri kara,taas oo bad baado u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Danjire Swan oo sii hadlayey ayaa sheegay in Mucaarad iyo Muxaafadba ay muhiim tahay in laga shaqeeyo Amniga Dalka iyo hagaajintiisa meelna looga soo wada jeesto Dagaalka Ururka Al Shabaab.

Waxay umuuqataa in Xubnaha beesha caalamka ay taageero ballaaran siinayaan Dawlada Dhexe si loo gaaro doorasho Qof iyo Cod ah,xilli Mucaaradka Xisbiyada ah ay diidan yihin midaasi.