James Swan Oo Diiday Inuu Tego Xarunta G/Banaadir & Filish Oo Go’aan Qaatay Kadib

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu maant Xafiiskiisa ugu tegay James Swan.

Warar soo baxaya ayaa sheegayain Danjire Swan uu diiday inuu aqbalo Qorshe uu Cumar Filish kula kulmi lahaa Kulan ka dhaca Xarunta Dawlada Hoose Ee Xamar,balse suurta gelin.

Kulanka maanta ayaa ka dhacay Xerada Xalane Xafiiska Swan,iyadoo la sheegay in Arimo kala duwan laga arinsaday.

Caasimada Amnigeeda iyo Wada shaqeynta Qaramada midoobeey iyo Gobolka Banaadir oo la isku waafaqay.

Cumar Filish ayaa ka dalbaday Swan dardargalinta arrimaha hormarinta sida dhismaha Wadooyinka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakaca Caasimadda.

James Swan ayaa ka bad baaday weerar qarax ismiidaamin lagu dili lahaa oo ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 24-kii Bishii July,Sanadkaan,qaraxaas waxaa ku dhintay Saraakiil Maamulka Dawlada Hoose Xamar,dhaawac markaas soo gaarayna waxaa udhintay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisoow.