Jabhadda Hubeysan SSC Oo maanta la wareegtay Deegaanka Tukaraq

0

Koox hubeysan oo katirsan jabhadda difaaca SSC ayaa waxay maanta la wareegeen deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool halkaasi oo ciidamadii Soomaaliland ay iskaga baxeen saacado ka hor.

Jabhada la wareegtay Tukaraq waxay sheegeen in ay amniga sugayaan,waxaase weli la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ee iska soo horjeedo.

Ciidanka Soomaaliland ayaa meel aan ka fogeyn deegaanka Tukaraq saldhig ka sameystay iyagoo halkaasi ka wada abaabul dagaal sida lasoo wariyey.

Jabhadda SSC ee Feysal Falaalug hogaamiyo ayaa muddo 10 sano ka badan waxay dagaal kula jiraan maamulka Soomaaliland,waxaana la ogeyn xaalada ay ku dambeyn doonto Tukaraq.