Itoobiya iyo Masar yaa u wanaagsan Soomaaliya?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar booga-dhayid ah ku maraya dalalka gobolka iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya, si uu mar kale dib ugu yagleelo diblumaasiyaddii uu Farmaajo ku tuntay shantii sano ee la soo dhaafay.

Dalalka Farmaajo cilaaqaadkooda xumeeyay waxaa ugu horreeya dalka Masar, kaasoo uu ka doortay waddanka Itoobiya oo ay isku hayaan biyah wabiga Niil [Nile], yeelkeede, wax ka yar Saddex bilood, MW Xasan, wuxuu durba hoosta ka xariiqay muhiimadda Masar.

Xasan Sheekh wuxuu soo gabagabeeyay Jahwareerka diblumaasiyadeed ee labada dal, kaasoo salka ku hayay go’aankii Farmaajo ee ku aaddanaa in aan la taageerin mowqifka Jaamacadda Carabta ee Masar iyo ka soo horjeedka Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa billowgii sanadkaan caddeeyay in Farmaajo si ku tala-gal ah ugu tuntay xiriirka Masar, isagoo eegaya kaliya saaxiibtinnimada shaqsiyadeed ee kala dhaxeysa Abiy Axmed.

Isagoo bixinayay wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo la xariira dhacdooyin dhacay intii uu xaafiiska joogay, Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in Itoobiya ay Farmaajo ku amartay in diyaarad ay leedahay Masar aysan ka soo degi karin Muqdisho.

Wasiirku wuxuu sheegay in daawo ay Jaamacadda Carabta ugu deeqday Soomaaliya, intii uu sida xooggan u jiray caabuqa COVID-19 oo diyaarad Masar leedahay ay keeni lahayd dalka ay diiday Dowladda Itoobiya, diidmadaas oo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin aqbaleen.

Wasiirku wuxuu su’aal galiyay sababta ay Itoobiya u diidday in diyaarad ka socota Egypt timaaddo Muqdisho?, waxa ka galay duullimaadyada Soomaaliya? iyo sababta uu Farmaajo u qaatay amarka Abiy?, taasoo keentay in ugu danbeyn isaga shaqada laga raacdeeyo.

Kooxda Farmaajo u qaabilsan dacaayadda oo xilli kasta isku daya in ay suurad-xumeeyaan socdaallada Madaxweynaha, isla-markaana uu madax-maray jaceylka Abiy Axmed, ayaa baraha bulshada ka billaabay dacaayad ay Itoobiya uga dhigayaan dal walaal ah.

Kooxdaas si ay u raalli galiyaan walaalka Farmaajo ee Abiy Axmed, waxa ay iska indho tirayaan colaadda guunka ah ee ka dhaxeysa Soomaalida iyo Xabashida taas oo soo taagneyd boqollaal sano iyo in Itoobiya tahay cadowga 1-aad ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxa ay dafirayaan xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, kaasoo waligiis ahaa mid xooggan oo qoto dheer, maadaama uu soo tixnaa tan iyo xilligii Fircoonnaddii Hatshepsut, – Fircoonkii Shanaad ee Boqortooyadii Siddeed iyo Tobnaad ee Masar.

Masar waxay ka mid tahay waddammadii ugu horreeyey ee aqoonsaday madaxbannaanida Soomaaliya 1960-kii, xilligaas ka hor, ganacsatadii Egypt ayaa dalka ka soo doonan jiray fooxa, taas oo sababtay in uu dhasho magaca Dhul-udug ee Soomaaliya caanka ku tahay.

Waxaa si weyn looga qadariyaa Soomaaliya AUN Maxamed Kamaaludiin Salaax oo u dhashay Egypt, kaasoo ahaa la-taliyihii Afrika ku metelayey Ergada tala-siinta Wasaayada Talyaaniga ee Soomaaliya, kaas oo Muqdisho lagu dilay 1957-dii.

Kamaaludiin, wuxuu sababsaday dadaal uu u galay sidii uu Soomaaliya uga caawin lahaa xornimo iyo in aan la kala jarin midnimada dhuleed ee Soomaali weyn, waxaana la rumeysan yahay in ay dilkiisa ka danbeeyeen Talyaaniga iyo Koox la safneyd.

Kadib xornimadii Soomaaliya, Dowladda Masar, waxay ka qeyb qaadatay hormarka dalka, gaar ahaan dhanka waxbarashada, iskuulo Masaari ah ayaa lixdamaadkii laga yagleelay Muqdisho, halka ardayda Soomaalida ah loo fasaxay dhigashada jaamacadda Al Azhar.

Kadib burburkii Dowladdii Kacaanka, Masar waxaa lagu qadariyaa in ay tahay Dowlddii labaad ee si daahfuran uga shaqeysay qorshayaashii dawlad-dhisidda Soomaaliya marka laga yiimaado dalka Jabuuti oo door weyn ka ciyaaray dib-u-heshiisiintii Soomaalida.

Mas’uuliyiinta dalka Masar waxa ka qeyb galeen shirar kala duwan oo caalami ah oo lagu taageerayay geeddi -socodka nabadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shirkii Khartuum ee 2006, shirkii Jabuuti ee 2008, iyo shirkii Qaahira 2010.

Muqdisho-Somalia