Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoominayo maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu lafagurayaa warbixinnada ay soo gudbiyeen guddiyada u xilsaaran soo dharaan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.
Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Shirka ayaa la filayaa in maanta lasoo gabagabeeyo islamarkaana laga soo saaro war murtiyeed.