Home WARARKA Inkabadan 50 Qof Oo Dhimasho & Dhaawac Kasoo Gaartay Qaraxyo Ruxay Suuqa...

Inkabadan 50 Qof Oo Dhimasho & Dhaawac Kasoo Gaartay Qaraxyo Ruxay Suuqa Xoolaha Ee Gobolka Bay

0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Afar Qarax oo ka dhacay Maanta Suuqa Xoolaha lagu iibiyo Ee Deegaanka Goof guduud Buureey Ee Gobolka Bay.

Qaraxyada waxaa la sheegay inay ahaayeen Miinada dhulka la geliyo waxaana ka dahshay Khasaaro kala duwan.

Suuqaan ayaa Xoolaha la keenaa oo lagu kala iibsadaa maalinta Arbacada ah,mashquul badan ayaa ka jiray Xilliga ay wax ka dhacayeen Halkaasi.

Warar ayaa sheegaya in 5 Qof ay dhinteen 50 kale dad kudhawna ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood Shacab ahaa.

Ma jirto cid Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyadaasi,waxaase Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin yuusuf Gacma uu ku Eedeeyey inay ka dambeeyeen Al Shabaab.

Xilliga La qarxinayey Suuqa waxaa kusugnaa Ciidamo Canshuur Qaaday taas oo la rumeysan yahay in Qaraxyada iyagu la beegsanayeen.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE