Hub Uu Ku Jiro Baasuuke Oo Al Shabaab Lasheegay in laga Qabsaday

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay xalay dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii rag ka Tirsan Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka Degmadaasi.

Labadda dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana haatan dagan xaaladda Degmadda.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shabaab ay iska caabiyeen,islamarkaana ay ka dileen labo askari.

Sidoo kale saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeen in shabaab laga furtay seddex qori oo mid ka mid ah uu yahay Qoriga Sabanka ama Baasuukaha.