HirShabelle Oo Dagaalka Ka Hadashay Amartayna in Yuusuf Daba geed Lasoo Xiro

0

Maamulka HirShabelle Ayaa war kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Beled weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Xafiiska  xeer ilaaliyaha Maamulka HirShabelle  Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa waxaa lagu amray in lagu soo xiro guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba geed oo diiday in xilka uu wareejiyo.

Xeer ilaaliyaha Maamulka HirShabelle,waxa uu sheegay in Yuusuf Daba geed uu ku xad gudbay Astaantii Dawlad Gobolleedka uuna Abaabulay Dagaal,sameeyana Awood sheegsho maamul.

Waxa uu diiday yuusuf Daba geed inuu uhogaansaamo Warka Madaxda HirShabelle iyadoo maanta ciidamo daacad u ah ay dagaal la galeen ciidamo katirsan Booliska HirShabelle.

Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka HirShabele Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay inay ka tacsiyadeenayaan dadkii ku dhintay Dagaalkii maanta ka dhacay Duleedka B/weyne.

Waxay HirShabelle sheegtay in tallaabo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walbo oo ku lug yeelata wixii ka dhacay maanta deegaanka Kala beyrka.