Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo qaatay amarkii xukuumadda, soona badalay xubnihii+Magacyada

0

Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa soo bedelay xubnihii la soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransanaa.

Maamulka Hirshabelle ayaa afar xubnood ku soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.

Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed ayaa labo xubnood soo bedelay oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada iney si deg deg ah ku soo magacaabaan xubnahooda doorashada islamarkana ay badalaan xubanaha cabashada laga soo gudbiyay.

Sidoo kale xukuumadda ayaa guddi farsamo u saartay liiska xubnaha lasoo magacaabo kuwaa oo la hubin doono ka hor inta aan la aqbalin.

No photo description available.

No photo description available.

Muqdisho-Somalia