Hanti dhowraha Qaranka oo hakiyey lacag lasiin jiray hay’adaha qaar DFS

0

Hanti dhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa soo saaray amar deg deg ah isagoo sheegay in loo baahan yahay hakinta Lacago la siin jiray qaar ka mid ah Hay’adaha Dawlada.

Bankiga Hormarinta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga Soomaliya ayey saameyn doontaa Amarkaan lasoo saaray.

Sidoo kale Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa la amray inay hoos udhigto Lacagta ay siin jirtay Bankiga dhexe Ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.