Hanjabaada Puntland Ee Ka Go’itaanka Soomaaliya & Xogta BBC SOMALI Bixisey

0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka Puntland, Xil.Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Idaacadda BBC-da u sheegey in Puntland dooneyso in ay noqoto ‘dowlad’ ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, haddii buu yidhi aan wax laga qaban xaaladaha taagan.

Saacado uun kahor golaha baarlamaanka Puntland ayaa soo saaray qaraar ay kudiideen go’aamadii baarlamaanka Federaalka, oo ay ugu weyn tahay matalaada gobalka Banaadir.

Qaraarka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in ay maqan tahay xaquuqda Gobalada Sanaag iyo Sool, labadaas gobal Dastuurka Puntland ayaa qeexaya in ay katirsan yihiin Puntland oo Aqalka Sare ku leh 11 xubnood.

Waxay tani sii cusleeneysaa Xaalada Siyaasada iyadoo Maamulka Jubbaland iyaguna ku dhawaaqi doonaan Go’aan ka dhan Ah Dawlada Soomaaliya sida la filayo,waxaana Dawlada Dhexe ay Hadda la kumeysaa mowjado Culus.

Mucaaradka Madaxtooyada Soomaaliya diidan Hanaanka ay Dalka ku xukunto ayaa dhankooda,waxay sheegeen inaysan raali ka noqon doonin doorashada dib uga dhacdo Xilligii lagu ballamay.