Halis ah Oo ka Jirtay Gobolka Sh/Hoose Oo Amar Culus Laga soo saaray

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Adan Ali Najah ayaa Dhamaan Maamulada Degmooyinka Gobolka iyo laamaha amaanka faray inay joojiyaan dhul boobka ka socda deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Najah ayuu ku sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku howlan yahay sameynta sharci bixin sax ah oo ka hirgasha dhamaan deegaannada Maamulkaas,isla markaana ay ogyihiin dhul boob ka socda deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo heysata dhul danguud uu kala wareegi doono Maamulka koonfur Galbeed,waxaana shacabka uu uga digay inaysan ku kabsoomin dhulalka danta Guud ee laga iibinayo.

Maamulada degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo laamaha Amniga ayuu faray Guddoomiye Najah inay ka hortagaan kooxo uu sheegay inay isku baheysteen dhul Boob ka socda Gobolkaasi.